DILAA HORE: Maxaadan ka ogeyn gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir? (Sir aan helnay)

Caasimada Online oo labadii maalmood ee tagtay daba-gal ku haysay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahan duqa magaalada Muqdisho, ayaa soo ogaatay inuu yahay dilaa hore.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sanaddii 1998-kii Muqdisho ku dilay nin u dhashay beesha Mataan Cabdulle oo beeshiisa Daa’uud ay ku wada abtirsadaan beelweynta Wacbuudhan Abgaal.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf oo waqtigaas aad ugu dhowaa Xaaji Muuse Suudi Yalaxow uu u diray magaalada Qaahira, kadib markii beesha Mataan Cabdulle ay diiday in cafiyaan, oo ay diyo qaataan.

Waqtigaas, ayaa waxaa ciidamada Xaaji Muuse u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, waxaana Xaajiga uu dareemay inay adkaan doonto in Yuusuf laga ilaaliyo, sidaas ayuuna ugu diray Qaahira.

Yuusuf ayaa markaas kadib waxbarasho ka billaabay dalka Masar, oo uu ka gaaray illaa heerka labaad ee waxbarashada sare (Masters Degree), isaga oo bartay shareecada islaamka.

Hadda oo uu Muqdisho kusoo laabtay, waxaa weli jirta cabsi ku saabsan in Mataan Cabdulle ay weli u raadinayaan aanadii uu ka galay.

Isaga oo ka duulaya arrintaas ayaa ugaaska Muddullod Maxamuud Cali Ugaas waxa uu Muqdisho kula shiray odayaasha Mataan Cabdulle, kana dalbaday inay duco qaataan, isaga oo sidoo kalena la kullan siiyey Yuusuf.

Lama oga in beesha oo idil ay aqbali doonaan codsiga ugaaska. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, waa dilaa hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com