XOG Xassan Sheekh oo is hortaagay in baaritaano lagu sameeyo Hantida uu Mungaab ka tabcaday Gobolka

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, ayaa xaqiijinaaya in xiriir uu Madaxweyne Xassan la soo sameeyay Wasiir Odawaa uu kaga codsaday inaan lagu sii fogaan cadeymaha lagu hayo Muungaab.

Waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Madaxweyne Xassan uu wasiirka ku wargaliyay in Muungaab loogu simo kaliya in xilka uu wareejiyo oo aan lasii dabagalin dhibaatada uu ku hayay Gobolka maadaama uu isaga xilka ku waayay.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in dabagal lagu sameeyo Muungaab ay sababi karto in sumcad darro ay halkaasi ka dhalato Dowladuna ay dib ugu soo laabato fashilkaasi.

Waxa uu dalbaday inaan lagu sii fogaan baaritaanada lagu hayo, bacdamaa uu yiri arrintu aysan fara ka qodneyn wixii Gobolka ka dhacayna ay Dowladu la socto.

Arrintaani ayaa imaaneysa xilli Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka uu ku baaqay in dhamaan Gudoomiyayaasha Gobolka iyo kuwa Degmooyinka ay hakat galiyaan Howlahooda shaqo, si loogu sameeyo baaritaano islamarkaana la kala wareejiyo xilalka.

Lama oga sababta ka danbeysay in Madaxweyne Xassan uu ka hor imaado in la xisaabiyo Hantida ku maqan Mungaab iyo dhamaan ku-xigeenadii la shaqeynaayay oo ay kamid yihiin Gudoomiyayaasha Degmooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com