XOG Sacuudiga oo Xassan Sheekh u gacan galiyay lacagtii doorashada Damul jadiid (Waa imisa?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo diplumaasiyiin ka tirsanaa wafdigii Madaxweyne Xassan Sheekh ku wehlinaayay socdaalkii uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan loo gacan galiyay dhaqaalihii ay horay ugu ballanqaaday Boqortooyada Sacuudiga.

Dhaqaalahaasi oo iminka galay gacanta Madaxweyne Xassan ayaa dhan 100 Milyan oo dollar-ka mareykanka ah taasi oo loogu tallo galay in lagu maareeyo doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo Somalia oo dadaalkeeda hadda socda.

Lacagtaani ayaa la tilmaamay in Ujeedkeedu ay tahay in looga gudbo doorashada dalka, waxaana suuragal ah in Madaxweyne Xassan uu u weeciyo dhanka Damul jadiid oo la rumeysan yahay inay gacan ku leeyihiin musharaxnimada Xassan.

Madaxweyne Xassan ayaa Lacagtaani horay uga codsaday boqortooyada Sacuudiga waxaana la tilmaamayaa in iminka ujeedkiisa safarka Sacuudiga uu la xiriiray la wareegida dhaqaalahaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo diplumaasiyiin safarka ku wehlinayay.

Dowlada Sacuudiga ayaa kamid ah Dowladaha garab siiya DF Somalia, waxa ayna bixinta lacagahaani imaaneysaa xili uu sii xoogeysanaayo xiriirka ka dhexeeya DF Somalia iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Xassan ayaa horay u shaaciyay inuu yahay Musharax u tartamaayo qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, inkastoo ay badi Siyaasiyiinta kasoo horjeedaan hadana waxaa muuqaneysa inuu codka ku kasban doono dhaqaalaha iminka u gacan galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com