Kaliil oo qaaday tallaabo ka careysiisay Maamulka Jubba

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil ayaa xubin cusub u magacaabay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, xili halkaasi ay ka taagan tahay xasarad Siyaasadeed.

Max’ed Cabdi Kaliil oo diiday in arrimaha Gedo uu kala xaajoodo Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulka uu iminka magacaabay uu ka howlgali doono Degmada Garbahaarey.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulka Cusub uu u soo Magacaabay degmada Garbahaareey ay ka danbeysay kadib markii uu is casilay Iimaan Cadow Kaarshe oo ahaa guddoomiyihii degmadaasi.

Kaliil ayaa sheegay in wadatashiyo uu la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo uu Guddoomiyaha degmada Garbahaareey usoo magacaabay in uu noqdo Cabdullaahi Sheekh Faarax.

Kaliil waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka Somalia ay wax ka ogtahay maamulkaan uu magacaabay iyo sidoo kale wax walba oo ka socda degmada Garbahaarey.

Talaabadaani uu qaaday Kaliil ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo maalinimadii shalay Magaalada Garbahaareey ay ka dhacday Munaasabad uu xilka ku wareejinayay Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo waxaana guddoomiyaha uu kaliil Magacaabay ay ka dhigeysa in degmada ay leedahay labo maamul oo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com