Xog: Axmed Qoor Qoor oo u gooyay beesha Habar-Gidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Golaha Hogaaminta Beesha Habar-Gidir oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug uu laba habeen ka hor ka cudur daartay kulan uu la balansanaa Guddi ka socda Beesha Habar-Gidir. 

Guddigan ayaa damacsanaa inay Qoor Qoor u gudbiyaan go’aan ka dhan oo ka dhashay garab istaag la sheegay in uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Rooble. 

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu xanuunsan yahay oo uusan cidna qaabili karin, hase yeeshee isla habeenkii ayuu qaabilay Agaasimihii hore ee hay’ada nabad sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaadiidka Craxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada ee Maamulka Galmudug Aadan Qoryooleey. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaasha Habar-Gidir ay qaateen go’aan ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor kaasoo ah in uu cadeeyo mowqifkiisa ama in ay joojin doonaan dhamaan wadashaqeyntiisa arrimaha Galmudug. 

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa laba jeer ku guul dareestay in uu wadahadal ku dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo gaaray heerkii ugu adkaa, ilaa hadana ma cadeynin Mowqifkiisa ku aadan khilaafka labada masuul. 

Wuxuu sidoo kale ku fashilmay isku day uu heshiis been ah ugu qiyaami lahaa Rooble, isaga oo ku beddelanaya dhulka Dry Port ee aagga Afisyoone, kadib markii xilli dambe laga war-helay.

Qoor Qoor oo lagu tilmaamo madaxweyne goboleedka ugu shaqada iyo tayada xun, inta badanna iska fadhiya Muqdisho, ayaa hadda wajahaya cadaadis kaga imanaya kooxda Ahlu-Sunna ee deegaanada Galmudug oo dib usoo laba kacleyneysa.