Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay HirShabelle kadib arrintii ka dhacday Jowhar

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin adag kasoo saaray dhalinyaro lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, wuxuuna maamulka u qabtay in lagu soo sii daayo 48 saac gudahood.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in arrin la yaab leh ay tahay in afar will oo dhalinyaro ah la iska xirto, isagoona mas’uuliyada xarigaas dusha u saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

“Waxaa shalay Jowhar lagu xiray afar wiil, waxaa loo xiray xornimadooda iyo xuquuqda ay leeyihiin in ay soo bandhigaan oo dadka ay tusaan ayaa loo xir-xiray, qof walba oo bini-aadam ah oo aduunyada ku nool waa xor, xaqna wuxuu u leeyahay waxa uu rabo haddii ay xumaan aheyn in dadka uu tuso,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

“Edeb-darada loo xiranayo maxay tahay?, ma waxa lagu nisbeyn karaa qabiil ayaa xirtay. Arrintaas oo kale waa ka fogaadaan dadka mas’uuliyiinta in laga aargoosto ilmaha iyo dumarka, ciddii aad ka aargosan laheydeen waa taqaanan waa aniga idinla hadlaya.”

Waxa uu ku hanjabay in haddii 48 saac gudaheed lagu soo deyn waayo dhalinyaradaas, uu qaadi doono tallaabo cawaaqib xumadeeda uu qaadayo Cali Guudlaawe.

“Haddaa fidno iyo rabsho ka shaqeynayso waa lagala shaqeyna wixii hadda ka dambeya, ogowna in Johwar ay nabad noqoneyn, xawaadle ayaa dagan, waa isku dhar dhiganeyn, haddaad ka noqon gefka noocaas oo kale ah.”

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa hogaamiya gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, waxayna mararka qaar weerar ku qaadan deegaano ka tirsan maamulkaas.

Hoos ka daawo muuqaalka