AHLU-SUNNA ‘oo heshay’ fursad ay dib ugu soo laabato

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa shalay ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, ku-xigeenkii hore ee hey’adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey Bohol ay tahay fashil ku yimid maamulka Galmudug.

Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunna, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Al-Shabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka Galmudug.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta,” ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed.

Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho.