Saddex arrin oo caddeyn u ah in Mahdi Guuleed uu ka baxay taageeradii Farmaajo

Wuxuu mar ahaa siyaasiga ugu weyn ee taageersan, mar kalena wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga aan dhalan ee Nabad iyo Nolol, laakiin hadda waxaa muuqata inuu isbedel ku yimid.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusii noqdo awood gaar u taagan, kana baxo isbaheysigii siyaasadeed ee uu kula jiray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo la noqday taageeradii weyneyd ee doorashada.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mahdi Guuleed uu si cad isugu muujiyey inuu leeyahay rabitaan u gaara oo ka duwan dhismaha iyo dib u doorashada Farmaajo, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxay shaki ay kooxda Farmaajo ka qabaan.

Arrimaha soo socda waxay caddeyn u yihiin sida Mahdi Guuleed ugu xuub siibtay hoggamiye mowqif u gaara leh oo aan lagu tiri karin inuu la socto Farmaajo iyo kooxdiisa Doorashada:

QORISTA LIISKII SENATOORADA

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu liiska Musharixiinta Senatorada kasoo jeeda Somaliland ku qoray xubno isaga aad ugu dhow, isagoo iska fogeeyay xubno aad ugu dhowaa Farmaajo oo uu doonayey inuu noqdaan musharixiin kusoo baxa Doorashada Aqalka Sare.

Shan Senator oo kusoo baxay Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda loo tirinayo inay taageere u yihiin Farmaajo waxaa 3 ka mida soo saartay Mahdi Guuleed oo dhinacyo kale gorgortan kula galay, waxaana Farmaajo markaas usoo haraya laba senator oo weliba midkood shaki laga gelin karo. 

Tusaale Kooxda Farmaajo ayaa dooneysay inay Liiska Musharixiinta kusoo baxdo Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaashooda, laakiin waxaa dhacday inuu Mahdi Guuleed liiska ku qoray aabaheed Abwaan Qorane, iyadoo abwaanka la filayo inuusan ahayn qofkii ay rabeen kooxda Farmaajo.

AAMINAAD LA’AANTA MAHDI GUULEED

Shakiga ay kooxda Farmaajo ka qaadeen tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Mahdi Guuleed, wuxuu xoogeystay markii ay ku aamini waayeen Kharashkii ay ugu talogaleen inay kusoo saaraan Senatoorada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, kaasoo ay maamulkiisa wadeen xubnaha xafiiska Farmaajo sida agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.

Mahdi Guuleed ayaa ka faa’iideystay hoos u dhaca awoodii Maxamed Farmaajo ee timid kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee keenay inuu dagaal siyaasadeed dhex maro isaga iyo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna helay awood iyo xoriyad dheeraad ah.

XIRIIRKA MUSHARIXIINTA MUCAARADKA

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed waxaa la ogaaday inuu iskiis u soo saartay Senatooro, isla markaana uu doonayo inuu soo saaro xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo wadahadal la furay ugu yaraan laba ka mida Musharixiinta Mucaaradka ee waaweyn, lana xaqiijiyey inay midkood is fahmeen.

Arrintan waxay caddeyn xoog leh u tahay inuu si aan la dareemin uga baxay taageeradii Farmaajo, haddana isu bedelay awood si gaara u taagan oo isbaheysiyo doorasho la galayo dhinacyada kale, hadba ciddii ay is fahmi karaan.

GABAGABO

Ugu danbeyn Mahdi Guuleed oo garabka Farmaajo ka baxa sida muuqata waxay soo afjari doontaa rajadii uu ka qabay in dib loo doorto ama uu saameyn weyn ku yeesho Doorashada, taasoo horeba daqarro waaweyn u soo gaareen.

Xigasho: Goobjooge.net