Xog: Arrinta uu salka ku hayo weerarka lagu qaaday hoyga TALIYE Maxamed Aadan

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka dhex raadinaya Koox hubeysan oo rasaas ku furtay Hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Ilaalada Guriga Taliyaha ayaa iska caabbin ku sameeyay weerarka maleeshiyada hubeysan ku qaaday Hoyga Taliye Maxamed Aadan Jaamac, inkasta oo hay’adaha ammaanka weli faah-faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay iyo natiijada baarista ay sameeyeen.

Ciidamo Booliis ah oo laga qaaday taliska Dhexe ee Gobolka Nugaal ayaa la geeyay Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal si ay u sameeyaan baaris la xiriirta sidii loosoo qaban lahaa maleeshiyaadka weerarka geystay.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyada weerartay hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ay ku heeb yihiin Nin shalay uu u xiray dil uu u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka PMPF-ta.

Hay’adaha ammaanka oo ku howlan Baarista iyo soo qabashada maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan natiijada kasoo baxda howlgalkooda sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Puntland.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalay shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin duleedka Garoowe ku dilay Wiil Dhalinyaro ahaa  kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland kaas oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan.