Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid dagan waxaana gacanta ku hayo ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo Shalay galab dagaal rogaal celis ah ku qabsaday deegaanka Bohol.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, dagaalada ka dhacay Bohol ayaa waxaa ku dhintay illaa 12 qof oo isugu jiro ciidamadii dagaalamay iyo dad Shacab ah, waxaana maleeshiyada Ahlu Sunna u suurta gashay inay gacanta ku dhigto illaa laba gaari oo mid kamid ah uu yahay Beebe.

Waxaa socdo abaabul dagaal oo labada dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal culus, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in qaar ka tirsan ciidamada Galmudug ay u goosteen dhanka Ahlu Sunna.

Odayaasha dhaqanka deegaanada Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa wado dadaalo lagu dajinayo xaaladda, balse waxaa muuqato in labada dhinac aysan diyaar u aheyn wada-hadal.

Madaxdii maamulkii Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabulo kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal.

Ahlu Sunna ayaa deegaanka Huurshe kaga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, hayeeshee Galmudug ayaa u aragtay inay kusoo wajahan yihiin ahlu sunna Magaalooyinkii ay horay uga qabsatay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel.