Somaliland oo u hanjabtay ergadii afka duubatay ee doorashadii Aqalka Sare

Hargeysa (Caasimada Onlin) – Maamulka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ku matalayo Baarlamaanka Soomaaliya taasoo asbuucaan ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in xubnaha la doortay aysan matalin Somaliland isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn.

“Reer Soomaaliya waxaan leeyahay, waxaan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo  ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yiraa way ina matalayaan, inamana ma talaan,” ayuu yiri Saylici.

Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in Qaramada Midoobay ay goobjoog ka noqoto doorashadaas, waxayna xubnaha indhaha qarsaday ee doorashada ka qeybgalay ugu hanjabtay in la ogyahay lana xiri doono marka ay Somaliland tagaan.

“Waxaan aad uga xunahay in Jimciyadii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka noqoto oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan, waxaanu warka ku hayna kuwa indhaha qarsanayay waa kuwo Somaliland ka tagay, oo berri raba in ay soo noqdaan, waa dambiilayaal qaran kuwaasi, yaan la arkin reer Somaliland oo qaylinaya marka berri la xiro,”  ayuu yiri Saylici.

Ahayeenka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya Amb: Safiina oo war laga waydiiyey sababta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay “in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Covid-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xirto afsaarka, isla markaana ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah”.