Daawo: Cali Kadiye: Habarta dhashay IKRAAN TAHLIIL Faarax carabka ha laga jaro”

Luuq (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Luuq Cali Kadiye oo ka hadlayey kulan ka dhacay Degmada Luuq ayaa si la yaab leh uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA.

Guddoomiye Cali ayaa sheegay in Ikraan Tahlil ay tahay Gabar Soomaaliyeed ayna ka xun yihiin wixii gaaray, wuxuuna xusay in kiiskeeda uu gaaray in dalka loo dumiyo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ikraan waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Luuq, Aabaheed ayaa ka shaqeyn jiray halkaan, waan ka xunahay wixii gaaray, ciddii gaarsiisayna Allah ayaa kula xiisabtamayo,” ayuu yiri guddoomiye Cali.

“Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraa qabaa” ayuu sii raaciyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka la dilo laga qaadan jiray diyo, islamarkaana laga xaaltami jiray balse kiiska Ikraan ayuu ku sheegay mid aan laheyn dhammaad.

“Farmaajaa dilay haddii ay dhahaan oo ay kusoo caddeystaan waa rag,” ayuu yiri mar kale guddoomiye Cali.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cali ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wixii hadda ka dambeeyo .

“Ra’isul Wasaare Rooble ma naqaan mana aqoonsanid, anaga waxaa nahay reer Gedo cid aan ka cabsaneyno malahan, haddii uu Rooble faraha nala soo galo waan naqaan sidaan uga keeno waan idinku soo qaldoomay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali.

Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha degmada Luuq ayaa waxaa diiday siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Gedo, oo sheegay inuu yahay mid colaad hurin ah, oo aanay la qabin.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Jubaland Aadam Aw-Xirsi ayaa yiri “Hadalka Guddoomiyaha Luuq ee “in Ikraan hooyadeed carrabka laga gooyo” ma aha hadal siyaasadeed oo dhinacyo badan loo dhigi karo. Waa hadal gurracan oo shaydaan ka yimid, waannu daba ordaynaa, inoomana dhahna. Mawlucuna sabeen tawxiid buu ka xirayaa.”

Waxa uu intaas ku daray “Reer Gedo ka mid ma aha Soomaalida maalmahaan xafiiltanka ku hafatay ee wixii ku soo dhaca isaga hadasha, mana aha kuwo xumaanta hurgumada reebi karta isugu sacbiya ama ku kala aamusa. Qoyska Reer Dr. Tahliil Faarax ee sharafta iyo wanaagga leh waxay mudan yihiin in inantoodii shaqada qaranka ugu maqnayd geeri iyo nolol meel loogu tiro.”