Ahlu Sunna oo la wareegtay gacan ku heynta Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay Magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Waxaa Magaalada isaga baxay ciidamo booliska ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tiro badan oo ku faraxsan in Ahlu Sunna ay dib ula wareegto Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay dhammaan xarumaha kala duwan ee Magaalada sida Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka .

Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin tallaabadaan Ciidamada Ahlusunna ay kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku wajahan Guriceel, sida Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Macali Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir ayaa dabayaaqadii September-2021 waxa ay ciidan ku aruurinayeen deegaanka Bohol oo ka tirsan Dhuusamareeb iyaga oo iskudeyaya in ay qabsadaan mar kale Galmudug.