Xog: Beelaha Muqdisho oo madaxda DF uga digay ‘in ay kaar qabiil cayaaraan’

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa dowladda federaalka ugu digay inaysan aqbali doonin in ciidamada qaranka Soomaaliya xuquuqdooda loogu diido magac qabiil, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmihii dhowaa ay odayaasha lahaayeen kulamo hoose, kuwaasi oo go’aanadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen wafti loo diray dowladda “oo runta u sheegay una digay.”

Kadib markii ay gadoodeen qaar ka mid ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku sugan gobollada Shabeellooyinka, ayaa taageerayaasha iyo xubno ka mid ah dowladda waxay billaabeen inay ciidankaas ku sheegaan ciidan qabiil, taasi oo odayaasha ka carreysiisay.

“Haddii dowladda ay isku daydo inay ciidankaas xuquuqdooda ku diido inay cayaarto kaar qabiil, waxa ku dhiban waa ayaga un” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah odayaasha.

“Kama aqbali doonno madaxda dowladda in boqolaal milyan oo ah dakhliga gobolka Banaadir iyo canshuurta dadka Muqdisho ay ku qaadato magac dowlad ama qaran, balse haddana ay ciidankii dowladda ee kasoo jeeday deegaankan ay ku sheegto ciidan qabiil” ayuu yiri odayga la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin maadaama, sida uu sheegay ay, dowladda aqbashay inay arrintan xaliso.

Sida aan xogta ku helnay, dowladda ayaa ku dooday in arrintan aysan ahayn siyaasad dowladeed balse ay ka dhalatay shaqsiyaad iska hadlay.

Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Shabeelooyinka ayaa u badan kuwa kasoo jeeda beelaha dega Muqdisho iyo gobollada ku dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com