Xog: Beelaha Saleebaan iyo Sacad oo xilal muhiim ah lagu qancinayo (Aqriso)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu maanta isu maro magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado islamarkaana uu xaliyo tabashada ay qabaan beelaha daga Cadaado iyo Gaalkacyo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono odayaasha, siyaasiinta iyo masuuliyiinta beelaha aan Sacad iyo Saleebaan waxana lagu qancin doonaa xilal muhiim ah si loo soo afjaro tabashadooda ku saabsan Galmudug.

Beesha Saleebaan ayaa la sheegay in la doorsiin doono qaadashada Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana meesha laga saari doonaa Wasiirka hadda xilkaasi haayo ee Cabdi Maxamed Sabriye.

Qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ah In beesha Saleebaan la siiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo xilal kale oo muhiim ah, halka beesha Sacad ay yeelan doonaan Madaxweynaha soo socda ee Galmudug iyadoo beesha Cayr ay heysato Caasimada Galmudug iyo xilal kale oo muhiim ah oo laga siin doono Galmudug.

Tabashada ugu badan waxaa qaba beesha Saleebaan waxaana la filayaa in xoogga la saaro sidii loo qancin lahaa. Kheyrre ayaa diyaarad uga baxaya Dhuusamareeb waxa uuna ku tagi doonaa Gaalkacyo isagoo marka dambe soo mari doono magaalada Cadaado ee Galmudug.

Waqti dheer ayey gelisay Xukuumadda Soomaaliya sidii ay u xalin laheyd tabashooyinka ka jira Galmudug iyo sidii ay u dhici lahayd doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com