Xog: B/Caalamka iyo Gaas oo qorshe halis ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo saacadihii ugu danbeeyay aan ka heleynay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaasi uu iska diiday in lagu cadaadiyo nidaamka 4.5.

Wararku waxa ay sheegayaan in fashil kadib ay Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Puntland ay heshiis ku gaaren in Dowlada Somalia dib loogu celsho go’aankii ay kaligeeda gaartey ee looga talaabay shuruucda wadatashiga kaasi oo ah in Somalia ay mar kale qaadatay 4.5.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Beesha Caalamku dooneyso in dib loogu noqdo go’aankii Dowladda Federaalku keligeed gaartey islamarkaana Aqalka Sare lagu saleeyo 18-ka gobol ee Dastuurku aqoonsan yahay, iyada oo aan Puntland iyo Somaliland ama cid kale waxba loogu darin.

Qorshahaani ayaa waxaa lagu go’aamiyay kulan gaar ah oo dhanka Puntland kaliya uu kaga qeybgalay madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo dhanka Beesha Caalamka oo u dhameyd shirkaasi.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa cadaadis culus kala kulmey Beesha Caalamka shirarkii ka dhacay Garoowe, balse waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray in la qanciyo shacabka Puntland ka hor inta aan isaga la qancin, waxa ayna taasi keentay in shir waliba uu kusoo dhamaado Fashil, iyadoo markii danbe leysla arkay in Dowlada Somalia dib loogu celsho go’aankii kasoo baxay shirkii ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa hadda lagu ballansan yahay in dib loogu laabto go’aanka ay Dowlada Somalia iskeeda u gaartay, waxa ayna saadaashu tahay in Dowlada Somalia ay mar kale weyn doonto qorshihii ahaa in Somalia ay mudada soo socta kusii shaqeyso 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com