Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan Xisbiyada Siyaasada Somalia, kuwooda ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Somalia ay burburinta xisbiyada u adeegsaneyso Beesha Caalamka.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Villa Somalia ay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, kala hadashay in Muqdisho maalinba maalinta xigta looga dhawaaqaayo Xisbiyo aan tayo laheyn kuwaasi oo abaabul carqaladeyn dhanka Siyaasada ah kawada dalka, sida ay xogtu sheegeyso.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somalia, Michael Keating uu qudhiisa ka hor imaaday in wakhtiga iminka lagu jiro uu BFS ansixiyo nidaamka Xisbiyada, waxa uuna sheegay in muhiim ay tahay in caalamka uu arko Somalia oo ay ka shaqeynayaan xisbiyo xor ah, balse aan iminka lagu jirin xiligeeda.
Xisbiyada ay Dowlada Somalia iyo Michael Keating kasoo horjeedan ayaa ah kuwa aan ku mideysneen dadka dhaxalgalka u ah Siyaasada Somalia, waxaana jiro xogo muujinaaya in Xisbiyada qaar loo ogolaaday inay shaqeeyan, halka Seddex meelood laba iyo barna si hoose cagta loo marin doono.
Michael Keating, ayaa isagu qaba in Xisbiyada Somalia, gaar ahaan kuwa ka jira magaalada Muqdisho aysan u saamaxeynin xiligaani inay ka howlgalaan Somalia misna ay la jaanqaadan Siyaasada dalka.
Inta badan Xisbiyada iminka ka jira dalka ayaa ah kuwo ay leeyihiin beelo gaar ah, waxa uuna ujeedkoodu yahay in lagu carqaladeeyo Siyaasada uu iminka ku shaqeynaayo dalka.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani ay isla daadihinayaan Beesha Caalamka iyo Dowlada Xassan Sheekh ayaa caqabad hor leh ku noqon doono hanaqaadka Siyaasada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]