Xog: Beesha caalamka oo DF dul dhigtay amar laga rabo in ay ku fuliso 30 cisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Safiirada, Midowga Yurub ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii October ee sanadkaan kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo labada Guddoomiye ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Beesha Caalamka ayaa xubnahaan duldhigtay amar ay fulintiisa ku egtahay 30 cesho oo kaliya hadii ay dhici weysana waxaa la filayaa in xubnaha Beesha Caalamka ay qaataan go’aan ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya, kaas oo noqon kara in cadaadis la saaro masuuliyiinta dowladda.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in masuuliyiintaan laga dalbaday in muddo 30 cisho gudahood ah ay ku shaaciyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto maadaama waqtiga baarlamanka uu ka harsan yahay muddo ka yar hal sano.

“Waxaa loo sheegay in ay heestaan bisha November oo kaliya lagana rabo in 30-keeda ay shaaciyaan doorashada dalka waliba waxaa laga doonayaa in ay qabtaan doorasho ka hormarsan tii sanadkii hore” ayuu yiri masuul sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online.

“Sharciga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in bishaan ay meel-mariyaan Golaha Wasiirada iyo labada Gole ee Baarlamaanka kadibna saxiixo Madaxweynaha hadii uusan imaanin buuq kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadlnay oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dooneyso in ay dalka uga qabato doorasho qof iyo cod ah, oo dad kooban ay wada matali doonaan shacabka oo dhan, balse waxaa jira cadaadis xoog leh oo uga imaanaya dibadda kaas oo sheegaya in dalka aysan ka muuqan xaalad nuucaas ah.

Dadka qaar ayaa qaba aragti ah in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in aysan hadda qaban doorasho balse ay wadaan qorshe ay dib ugu dhigayaan sanad ama ilaa laba sano balse waxaa ka jira culeesyo kale oo arintaasi ka soo horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com