Gobol ku dhowaaqay inuu ka go’ayo Puntland kadib xil ka qaadistii Dhoobo-daareed

Bahdan (Caasimada Online) – Kadib markii baarlamaanka maamulka Puntland uu kalsoonidii kala noqday guddoomiyahoodii Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, ayaa qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Sanaag waxa ay ka soo hor jeesteen xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ugu horeyso degmada Badhan, ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn xil kaqaadistii guddoomiye Dhoobo-daareed, iyagoo kaligi talisnimo ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani.

Waxa ay sheegeen inta badan bulshada gobolkaas oo kulamo ku yeeshay magaalooyin dhawr ah in ay go’aan mideysan ka soo saari doonaan ka sii mid ahaan shaha maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dani.

Waxay sheegeen in guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo-daareed ay si buuxda u taageersanyihiin, iyagoo Madaxweyne Dani u sheegay in wixii haatan ka dambeeya uusan ku xisaabtamin gobolka Sanaag, waxaana qeybo ka mid ah xarumaha maamulka ee magaalada Badhan maanta la suray calanka Somaliland.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Badhan oo taageero u muujinayay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay inay ka tasha doonaan kasii mid ahaan shaha Xukuumadda Madaxweyne Dani.

Sidoo kale Guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdixakiim Dhoobo-daareed oo sheegay in xil ka qaadistiisu aysan sharci ahayn, ayaa waxaa la sheegay in uu ku wajahanyahay gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan oo deegaan doorashadiisu tahay.

Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa khamiistii waxaa kalsoonidii kala noqotay ilaa 49 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, kadib 53 xildhibaan oo soo xaadirtay kulankii golaha.

Xil ka qaadista guddoomiyaha ayaa timid xilli khalaaf xoog leh uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Dani, taas oo sababtay in xalay ciidamo ka socday madaxtooyada Puntland ay dagaal kula wareegaan xarunta baarlamaanka Puntland, taas oo fududeysay in maanta xilka laga xayuubiyo  guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo-daareed.

Caasimada Online
Xaafiiska Garowe
caasimada@live.com