Turkiga oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay doorka ay ka qaadaneyso wada-hadalada fadhiidka noqday ee Dowladda federaalka iyo dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland.

Turkiga ayaa sheegay in doorka uu ka ciyaari karo wada-hadaladaasi ay yihiin fududeyn iyo dhex-dhexaadin uu ka sameeyo labada dhinac ee Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Mevlut Cavusoglu, Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga oo dhowaan hadal ka jeediyay shirka xiriirka Soomaaliya ee ururka Islaamka, ayaa arrimhaasi ka hadlay, isagoona si cad u sheegay in doorashada la filayo in Soomaaliya ka qabsoomto ay isbedel muhiima u keeni doonto mustqabalka Soomaaliya.

“Waxaanu dalbanay door fududayn iyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Melvut Cavusoglu oo aan bixin wax faah-faahin dheeriya.

Dowladda Turkiga ayaa iyadu u muuqata mid rabtay inay dib u  soo celiso kaalinteedii ay hore ugu laheyd wada-hadaladaasi, iyadoona bishii December ee sannadkii hore ee 2018, ergay gaar ah u magacowday wada-hadalada DF iyo Somaliland.

Nasiib daro’se, Danjire Dr. Olgan Bekar oo uu Turkigu u magacaabay wada-hadaladaasi ayaa wax natiijo ah ka keenin socdaalo uu ku tagay Muqdisho iyo Hargeysa, midaasi oo sii fogeysa dib u furitaanka wada-hadalada labada dhinac.

Wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa iyagu gebi ahaanba hakad galay sanadkii 2015, kadib markii uu gudaha dalka Turkiga ku fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay labada dhinac.

Wada-hadaladaasi Turkiga ku fashilmay dabadeed ma suurto-galin wada-hadalo dambe oo si rasmiya labada dhinac u dhexmara.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com