Xog: Beesha caalamka oo soo faro-gelisay MOOSHIN muddo kororsi ah oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe ay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ku diyaariyaan mooshin muddo kordhin ah ayaa waxaa soo faro-geliyey beesha caalamka, oo isku dayeysa inay ka hortagto, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa laf dhabar u ah qorshahan, waxaana lagu doonayey in baarlamaanka muddo kordhin ilaa sanad ah isa siiyaan ayaga, sidoo kalena siiyaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Qorshaha ayaa ah in mark hore xildhibaanada laga gado muddo kordhin ay ayaga sameystaan kadibna la hoos geliyo midda madaxweynaha, ayada oo lagu doodayoo inaan la kala reebi karin laba muddo kordhin.

Madaxweyne Farmaajo oo raadinayo muddo kororsi sanad ah oo ay baarlamaanka u kordhiyaan hay’adaha dowladda, ayaa ka codsaday Mursal in uu kala shaqeeyo muddo kordhin hay’adaha dowladda loo sameeyo oo ay u dhaxeysa sanad ilaa laba sano, muddadaas gudaheedana ay xal u heli doonaan arrimaha taagan oo ay ku jirto kursigiisa xildhibaan.

Arrintan ayaa waxaa horey uga digay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ah musharax madaxweyne, kaasi oo sheegay inuu socdo qorshe muddo kordhin, oo aan marnaba la aqbali karin.

Inkastoo guuxa arrintaan aad looga dareemay magaalada Muqdisho ayaa haddana wuxuu gaabiyey kadib markii beesha caalamka ay la hadashay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal una sheegtay in qorshahaas uu halis gelin karo mustaqbalkiisa siyaasadeed, iskana hilmaamo, iyada oo lagu wargeliyay in uusan ka shaqeyn karin wax khilaafaya nidaamka doorashada ee lagu heshiiyay.

Qorshaha ayaa ahaa in lagu fuliyo kulankii xildhibaanada ee madaxweyne Farmaajo u uku baaqay inuu maanta dhaco, balse baaqday kadib markii Mursal uu u sheegay inuusan qaban karin.

Madaxweyne Farmaajo oo doonayey inuu maanta Muqdisho yimaado, kadibna dib ugu laabto shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa sidoo kale la hadlay beesha caalamka, kuna war-gelisay inuusan kasoo tegin Dhuusamareeb isaga oo aan heshiis kasoo gaarin doorashada.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in hadda qorshaha uu u muuqdo mid gaabiyey, balse ma cadda haddii uu dib usoo laba kacleyn doono, ayada oo lagu wado in xildhibaanada ay berri kulmaan, ayada oo la filayo in madaxweynaha uu kulankaas kasoo qeyb-galo, sida lagu shaaciyey qoraal loo diray xildhibaanada.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale hadda wadda dadaal lagu baajinayo kulanka berri, waxaana idinla soo socodsiin doonaa waxa kasoo baxa dadaalkaas, Insha Allah.