FIQI oo war kasoo saaray weerarkii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeriya ka bixiyey weerarkii ay xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo qaadeen magaalada Dhuusamareeb.

Weerarkan oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay inay ciidamada ku guuleysteen soo qabashada Madaxii qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdinuur Daad “Careys”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii xalay ay ciidamadu kaga qabsadeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay ku jiraan 2-BKM.

Fiqi ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi la fashiliyay, islamarkaana dagaalyahanadii ka tirsanaa Shabaab ee fulinayay ay ka carareen Siddeed meyd ah, kadib markii ciidamada dowladda ay uga adkaadeen weerarkii ay rabeen inay ku khal-khal geliyaan amaanka Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada qeybta ka ah Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug inay isku soo dhiiban ciidamada dowladda, ka hor inta aysan marin wadada kuwa weerarka fuliyay.

Waxay aheyd xalay markii labaad oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab qal-qal galiyaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka socdo shirka wada-tashiga oo u dhaxeeya dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.