Golaha shacabka oo ku dhawaaqay kulan gaar ah iyo Farmaajo oo hor-imanaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ayaa mar kale iclaamiyay kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu jiro, iyadoo lagu soo beegay xilli uusan soo xirmin shirkii Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo dira qoraal ku saabsan in berri oo sabti ah uu jiro kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweynaha, isla markaana looga hadlaayo Xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka Qaranka.

Qoraalka xildhibaanada loo diray ayaa lagu yiri “Mudane xildhibaan, berri oo Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 06 February, waxaa jira kulan gaar ah oo madaxweynaha JFS soo codsaday. Ajendaha: 1- Warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00 subaxnimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor safarkiisa Dhuusamareeb iclaamiyay in 5-ta bisha uu horgeyn doono labada gole ee Baarlamaanka wixii uu kasoo qaado Dhuusamareeb, balse wuu baaqday maadaama ilaa iyo hadda aan natiijo laga gaarin shirarkii ka socday caasimadda Galmudug.

Sidoo kale, qaar kamid ah xildhibaanada loo diray fariinta wargelinta ah ayaa u sheegay Caasimada Online in kulankaas uu markii horeba uusan aheyn mid suurta-gal ah, maadama uu madaxweynaha uu kusoo aadiyey maalinta fasaxa ee golaha oo Jimce ah, isla markaana ay inta badan nastaan bulshada Soomaaliyeed.

Caasimadda Online ayaa ogaatay xog ku saabsan in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay inuu galabkaan kasoo laabto Dhuusamareeb, balse ay Beesha Caalamka cadaadis ku saareyso inuusan kasoo tagin ilaa natiijo laga gaaro kulamada socda.

Go’aanka uu qaadan doono Farmaajo lama oga, iclaaminta kulanka gaarka ah ee golaha Shacabka oo uu codsaday ayaana ka dhigan inuu doonayo inuu Muqdisho soo gaaro kana qeybgalo berito.

Sidoo kale ilo ku dhaw Baarlamaanka ayaa sheegaya in golaha Shacabka iyo madaxweynaha labaduba ay kulanka gaarka ah ka damacsan yahiin muddo kordhin hal sano ah.