Xog: BEESHA CAALAMKA oo soo faro-gelisay xiisadda Galmudug iyo Qoor Qoor oo hal arrin laga dalbaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka e Soomaaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxay kula shireen qadka Zoom-ka, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug.

Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas dhex-maray Qoor Qoor iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegaysa in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaaladda kacsan ee magaalada Gurceel.

Si qota dheer ayaa looga hadlay gulufka dagaal ee maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu ku soo ceshado gacan ku heynta magaalada Gurceel oo mudo ku dhaw bil gacanta ugu jirta xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulankaas ayaa noo xaqiijiyey in xubnaha Beesha Caalamka ay Qoor Qoor kula taliyeen inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso.

Sidoo kale wakiillada Beesha  Caalamka ayaa Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu deg deg u soo dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana haatan Galmudug ku dhiman laba Senator.

Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay.

Dadkii ku noolaa magaalada ayaa u cararay dhulka miyiga ah iyo deegaanada fogfog, si ay uga badbaadaan hardanka colaadeed ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Galmudug, maalmo badan ayaa la isku hor fadhiyey afaafka hore ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, balse hada waxaa heerkii ugu sareeyey maraya filashada dagaal ka qarxa Gurceel saacadaha soo socda.