Jubbaland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Amniyaatka Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsanaa amniyaatka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulkaas.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay hey’adda sirdoonka Jubbaland, xubnaha ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ku dhuumaaleysanayey gudaha Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Jubbaland (JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hey’adda.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Howlgalladaan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada iyadoo qeybo kalena lagu daba jiro”.

Hey’adda JISA ayaa sheegtay inay dhawaan warbaahinta iyo shacabka la wadaagi doonto warbixin dhameystiran oo ku saabsan xubnaha gacanta lagu soo dhigay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen oo ay sheegtay inay liddi ku ahaayeen amniga dadka iyo dalkaba.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay hey’adda ayey baaq ugu dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Jubbaland.

“Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalada ay hey’adda JISA ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Jubbaland isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose oo la filayo in lagu qabto Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.