TPLF oo war kasoo saartay duqeynta ay diyaaradaha Itoobiya ee gobolka Tigray

Mek’elle (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga oo ay ka geysaneyso gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa weeraar dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen magaalada Caasimadda u ah Gobolka Tigrayga ee Mek’elle.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Afka Tigrayga ku hadasho, weerarada dhanka cirka ah ayaa waxay khasaaro u geysteen dadka shacabka oo ku sugan magaalada duqeynta laga fuliyey.

Maleeshiyada TPLF ayaa awoodi waayey inay iska caabiyaan weerarada ay geysanayaan ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka.

In ka badan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerarada lagu qaaday xaafadaha Mek’elle, waxaana dhaawaca lagu sheegay illaa 10.

Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Magaalada oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay duqeymaha ayaa sheegay in magaalada laga geystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha.

TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay.

Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF.

Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha.