Jaaliyadda SOOMAALIDA UK oo ay soo wajahday halis

London (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool UK ayaa sheegay in ay soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga imaanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xildhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Britain.

Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaatay, kadib markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargeliyay in loo dili doonno sabab la xiriirta Cali Xarbi Cali oo ku eedeysan dilka Xildhibaan David Amess.

Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa bilaabay inay ka wacyi galiyaan Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weydiiyo loo baahdo.

Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka guddiga ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda ay u gudbiyeen wax ka qabashada Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.

Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, da’diisuna tahay 25 sano jir. Wiilkaan ayaa ku dhashay Ingiriiska, wuxuuna diyaarinayey takhasus dhakhtarnimo.

Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad looggu sameeyo.