AXMED MADOOBE oo soo saaray liiska murashaxiinta AQALKA SARE ee ku haray

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay soo saaray liiska murashaxiinta afarta kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa.

Jubaland ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare, hase yeeshee in ka badan laba bil ayey sabab aan la aqoon u haysteen doorashada kuraasta kale.

Liiska uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa laba ka mid ah kuraasta waxaa si gaar ah loogu xiray haween, halka mid kale ay ku tartamayaan haween iyo rag, midna rag kaliya ay ku tartamayaan.

Afarta kursi iyo sida loogu kala tartamayo ayaa kala ah:

Kursiga 5-aad: Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh
Kursiga 6-aad: Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macallin Cabdi
Kursiga 7-aad: Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar
Kursiga 8-aad: Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali

Guddiga doorashada Jubaland ayaa lagu wadaa inay isla maanta shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada, ayada oo ay u badan tahay in la qabto isla toddobaadkan.

Haddii doorashada Aqalka Sare ay kasoo dhammaato Jubaland, waxaa haraya kaliya laba kursi oo ku harsan maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor.

Beesha caalamka oo shalay wada-hadal la yeelatay Qoor Qoor ayaa uga digtay inuu dagaal ku qaado Ahlu-Sunna, taasi oo qiil uu uga dhigan karo inuu doorashada dib usii dhigo.

Hoos ka arag liiska uu soo saaray Axmed Madoobe