DF oo shaacisay shirkado kalluumeysi sharci darro ah ka wada biyaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo hey’addo kale oo ku howlan kaluumeysi sharci daro ah oo biyaha Soomaaliya ay ka wadaan.

Suleymaan ayaa xusay inay jiraan dadka Soomaaliyeed oo hey’adahaas iyo dalalkaas ku gacan siinayo kaluumeysi sharci daro, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhameystiran uga go’an tahay inay ka hor tagto kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay biyaha Soomaaliya ka wadaan shirkadaha shisheeye.

Wuxuu xusay in Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loola dagaalami lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.

“ Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda dalka wuxuu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, waxaana Soomaaliya usoo shaqo tagay dad rabo inay si sharci darro ah uga faa’ideystaan kheyraadka dalkeena” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaaliya inay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya si loo marsiiyo caddaaladda.

Hadalka kasoo yeeray xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli 12-ka bishaan ay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay Soomaaliya u xukuntay murankii ka taagnaa qeybo kamid ah Badda Soomaaliya oo ay sheegatay Kenya.