Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru

Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukunkii saddexaad ee ay maxkamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya.

Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda.

Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd:

Dacwadda Badda

Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ.

Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya.

Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”.

Diiwaangelinta shacabka Kenya

Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd.

Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado.

Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka.

Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar.

Mashruuca BBI

Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka.

Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay.

20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI.

Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas.

Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda.

ISha: BBC SOMALI