Sawirro: QM oo hal arrin ku bogaadisay Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo maanta gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdigan ka socday Qarmada Midoobay ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka guud ee dalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka 2021-ka”

Marwo Anita Kiki Gbeho madasha ka hadashay ayaa ku boggaadisay hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland, sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare, maadaama afarta kursi ee uu liiskooda xalay shaaciyey Axmed Madoobe lagu soo daray dumar.

Sidoo kale ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in QM ay tageerayso howlaha doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Kulankan ayaa ku soo aadayao, iyada oo haatan Jubbaland ay soo gaba-gabeyneyso doorashada Aqalka Sare, waxaana la dooran afarta senatar ee ku harsan maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxa ay ku jirtaa marxalad kala guur ah iyo xaalad doorasho, waxaana dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ay wadaan dadaalkooda ugu dambeeyey.

Si kastaba, dhowaan ayaa la filayaa in la guda-galo doorashada Golaha Shacabka oo ka xiiso iyo xamaasad badan mida Aqalka Sare e baarlamaanka Soomaaliya.