BEESHA SADE oo 3 qodob hor-dhigtay Barre Hiiraale kadib kullan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iloo xog-ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Habeennimadii xalay Madaxtooyada uu shir xasaasi ah uga furmay Ra’isul wasaaraha Dalka, Barre Hiiraale, Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Sade.

Kullanka ayaa waxaa qabsoomidiisa lahaa Ra’isulwasaare C/weli waxaana la Tilmaamayaa inuu qaatay ku dhawaad Afar saac.

Ujeedka kullanka ayaa waxaa lagu sheegayaa inuu ahaa in Beesha Sade ay ka qeybqaatan Hanaanka Dalka loogu soo dabaalayo Nabadgalyada iyo xasiloonida, sidaa darteedna uu Barre Hiiraale ka hor leexdo Maamulka KMG Jubba.

Kullanka oo uu xoogiisu u gaar ahaa  Siyaasiyiinta Beesha Sade, ayaa waxaa lagu lafa guray Heerka ay Beeshu ka taagan tahay Dalka iyo xilalka ay ka heyso Dowlada iyo weliba waxa sababay in Barre uu ka dhaga adeego Awaamirta DF iyo Beesha Caalamka.

Kullanka oo Wakhti badan qaatay ayaa waxaa leysla gartay Seddex qodob oo gundhig u ahaa Shirka gaarka u ahaa Beesha Sade waxaana kamid ahaa:-

1 – In Barre Hiiraale uu Siyaasada iyo Hoggaanka uga dambeeyo Xubnaha Sade uga jiro DFS.

2 – In Barre uusan hor istaagin tallaabo waliba oo kaga imaada dhanka DF, IGAD iyo Maamulka KMG Jubba.

3 – Inuu ku qanco xilka ama xubinimada looga soo dhiciyo Maamulka KMG jubba.

Barre Hiiraale ayaa waxa uu soo dhaweeyay Seddexda Qodob, waxa uuna Madasha kullanka ku wacad maray inuusan ka talaabi doonin go’aanka ay Beeshu soo gaarto.

Dhanka kale, Barre oo ku sugan Villa Somalia ayaa waxa uu xalay halkaasi kulla kulmay Xubno farabadan oo ka tirsan DF, kuwaasi oo kala hadlaayay inuu muujiyo dabacsani, islamarkaana qaato ballan qaadyada kaga imaanaya dhanka DFS.

Waxa uu ahaa kullanka mid uu Biyo dhiciisu ahaa guul iyo Natiijo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com