“Axmed Madobe ajnabi ayuu ka yahay Kismaayo yuusan wakhti isaga lumin”

Muqdisho (Caasimada Online)-Suldaan Xassan Xuseen Naaleeye oo kamid ahaa  Odayaashii taageersanaa Col. Barre Hiiraale ka hor inta uusan wada-xaajoodka la galin Axmed Madoobe, ayaa waxa uu kasoo horjeestay Heshiiska laga dhex abuuray Barre iyo Axmed Madoobe.

Suldaan Naaleeye waxa uu Tilmaamay in Barre Hiiraale uu qaadacay Heshiiskii ahaa in Axmed Madoobe aan lala galin wax wada hadal ah, balse Barre uu ku degdegay isaguna uu Cambaareynaayo Arrintaasi.

Suldaan Naaleeye oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Waa nasiib daro usoo hooyatay reer Kismaayo Barre Hiiraale aad ayuu ugu adkaa go’aanadiisa balse waxaa bedelay oo ka awood weynaaday danaha dalalka dariska la ah Somalia’’

Naaleeye oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa waxa uu yiri ‘’Barre Hiiraale go’aanka uu muqdisho ku tagay isaga malaheyn ee waa lagu qasbay aad ayan uga soo horjeednaa Heshiisyada ay gadaal ka riixayaan IGAD iyo DF, waayo Axmed Madoobe oo aan deegaan ku laheyn Kismaayo oo aan waxba dhaamin Ajnabi ayay u xalaaleynayaan Magaalada Kismaayo’’

Sidoo kale, Suldaanka waxa uu sheegay in wada hadalada laga dhex wado Barre iyo Axmed Madoobe aysan aheyn Soomaalinimo iyo Islaanimo, balse loogu gol leeyahay in la meel-mariyo danaha Dowladaha Gariska.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uusan aheyn inuu ka arrimiyo Kismaayo, waxa uuna sheegay in Axmed Madoobe uusan kasoo jeedin Kismaayo taasina ay tahay Cadaalad dari.

Dhanka kale, Naaleeye ayaa waxa uu Bulshada Kismaayo uga digay inay qaataan Maamulka lagu naas-nuujinaayo Dowladaha dariska la ah Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com