Dhageyso: 200 oo Somali ah oo afduub loo heysto iyo 21 lagu dilay wadanka…

Tripoli (Caasimada Online) – Xeryo ku yaalla dalka Libya waxaa ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka badan 200 oo dhalinyaro ah, oo afduub loo haysto, islamarkaana qaar ka mid ah la dilay.

Maxamed Aadan oo ka yimid magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu soo gaaray Libya bishii Ramadaan, wuxuuna tilmaamay in uu ku arkay goobta uu ku xiran yahay Soomaali badan oo maalin kasta la jirdilo.

Wuxuu sheegay in uu arkay rag la garaacay iyo dumar Soomaali ah oo la faraxumeeyay, isagoona intaas ku daray in dadka xiran la weydiisto lacago aad u fara badan haddii kale ay u dhintaan jirdil.

Mar uu ka hadlaayay sidda ay ula dhaqmaan kooxaha hubeysan ee ka dhisan dalka Libya, ayuu sheegay in labo ay u qeybsan yihiin waxaana madax u ah ayuu yiri Ma Gaffe iyo Ma Qade.

Raggan ayuu sheegay in lacago ay ka qaataan dadka ay qabsadaan kuwaasoo taga dalka Libya.

Ugu dambeyn Maxamed Aadan ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaalida gaar ahaan dumarka in ay iska joogaan waddankooda oo aaney soo aadin dalka Libya.

Libya ayaa ah dal aan xasillooneen waxaana ka dhisan kooxo jabhado ah oo aaney jirin cid ay ka amar qaataan, waxaana dalkaas uu surin u yahay tahriibayaal badan oo ka yimid Afrika kuwaasoo nolal ka raadsada Yurub.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan hoose ka dhegeyso