DHAGEYSO: Garoowe oo diinta la isku diidan yahay & siyaasi la gaaleysiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xassan Xaange Maxamed oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in Masaajida iyo goobaha Tacliinta Puntland laga shaaciyay inuu diinta ka baxay islamarkaana Gaaloobay.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id  ku qabtay Magaalada Garoowe, waxaa uu uga hadlay Arrin Sumcad Dil ah oo uu sheegay in lagu sameeyay ka dib markii doraad Qaarka mid ah Masaajidda Magaalada Garoowe ay Khudbaddii Salaadda Jimcaha ka hor lagu soo qaatay in Xildhibaan Xaange oo ay ku sheegen inuu Ridoobay meeshii lagu arkana uu dhiigiisu banana yahay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Isagoo jooga Hooygiisa lagu soo wargaliyay in Magaalada dhan laga baadi goobayo islamarkaana uu Aflagaadeeyay Diinta, hayeeshee uu Arrintaasi ku sheegay mid been abuur ah.

‘’Waxaan ahay nin Islaam ah aad ayan uga xumahay in dad Islaam ah diinta laga saaro, waxaa arrintaan faafiyay Masjidyada balse anigu waxaan cadeynayaa inaan Islaam ahay ninkii dhiigeyga baneysanaayo oo mid u gaar ah’’ Ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa eedaynta qaarkeed dusha ka saaray midka mid ah website-yada Soomaalida balse magaciisa ma uusan sheegin, waxaana uu intaas ku daray in uusan ka hari doonin dadka Sumcad iyo Sharaf dilka ku sameeyay.

Halkan ka dhageyso xildhibaanka beeniyey gaalnimada

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com