Xog: BFS oo heshiis la saxiixday baarlamaanka..

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa heshiis la saxiixday Baarlamaanka dalka Tunisia kaasi oo dhigaaya in labada Baarlamaan ay si rasmi ah u wada shaqeyn karaan heshiiska kadib.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Max’ed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh DF Somalia waxa uuna tilmaamay in Dowlada Tunisia ay diyaar u tahay inay garab istaagto Dowlada Somalia.

Dalxa waxa uu sheegay in ujeedka ugu weyn ee hishiiska uu yahay in la mataaneeyo Baarlamaanada Tunisia iyo Somalia waxa uuna tilmaamay in la isku afgartay in Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia laga caawin doono dhinaca sharci dajinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay Dalxa in madaxda Dowlada Tunisia ay usoo bandhigeen in dib loo furo Safaarada Somalia ay ku leheyd dalkaasi, wuxuuna cadeeyay in aragtidaasi ay soo dhaweeyen.

Sidoo kale waxa uu iyaguna ay usoo bandhigeen inay dib usoo ceshtaan Safaaradii ay ku lahaayen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, si loo sii xoojiyo xiriirka labada dhinac.

Dhanka kale, Heshiiskaani ayaa la filayaa inuu albaabada u furo dib usoo laabashada xiriirka Somalia iyo Tunisia oo soo jireen ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com