“Marka hore waa in la weydiiyaa inuu u qalmo in lacag lagu bixiyo madaxiisa” Sidaa waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xassan Shire uu sheegay in dhicitaankiisa ay si wadajir ah dhaqaale ugu bixiyeen DF Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in haddalka Saciid Xassan Shire uu yahay mid been abuur ah islamarkaana uu ka beensheegay xaqiiqda jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Mooshinka laga geeyay uu ahaa mid u gaar ah Baarlamaanka Puntland islamarkaana aysan gacan ku laheyn Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland waxa uuna Tibaaxay in cidii ka gaabiso howlaha loo igmaday ay wajihi doonto xil ka qaadis isaguna sidaa uu ku waayay xilkiisa.

Waxa uu tilmaamay in Ujeedka ugu weyn ee loo saxiixay Mooshinka uu ahaa in xil ka qaadis lagu sameeyo Saciid Xassan Shire Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, maadaama ay u arkeen inuusan hogaamin karin Golaha wakiilada Puntland.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Mooshin hadii shaqsi gudan waayo howshiisa laga keeno micnuhu uusan aheyn in dhaqaale lagu bixiyay amaba cid gaar ah la faquuqayo.

Geesta kale, Xildhibaan Saadaq Abshir ayaa ku baaqay in Maamulka saldhig looga dhigo tixraaca Dastuurka iyo rabitaanka shacabka bacdamaa uu yiri maamulka uu ku dhisan yahay rabitaanka shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com