Xog: BF oo wada mooshin muddo kororsi oo yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin muddo kororsi ah oo baarlamaanka Soomaaliya uu sameysanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshahaan ayaa lagu doonayaa in mudada uu sii joogayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya la gaarsiiyo muddo shan sano ah, waxaana lala xariirinayaa muddo kororsiga min halka sano ah ee dowlad goboleedyadu ay horay u sameysteen.

Mudo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa afar sano, balse qorshahaan mudo kororsiga ah waxaa laga shaqeynayaa iyagoo aan xafiisyada joogin hal sano.

Waxaa la xusuustaa in dowladdii tan ka horeysay laga diiday muddo kororsi laba sano ah, balse mudo kororsigaan wuxuu kii hore uga duwan yahay waqtiga loo diyaar-garoobayo oo aad loo soo hormariyey.

Inkastoo arrintaan ay hadda cusub tahay, hadana waxaan meesha ka marneyn tijaabada falcelinta ka imaan karta arrintaan mudo kororsiga ah ee xildhibaanada qaar ay wadaan.

Qorshaha socda kuma cada waxa laga yeelayo mudo xileedka Madaxweynaha, balse xildhibaanada saxiixay mooshinkaan waxay doonayaan in ka baarlamaan ahaan ay sii joogaan 5-sano.

Hadii meesha laga saaro in mudada loo kordhiyo madaxweynaha, ee baarlamaanka oo kaliya uu mudada kororsado, waxay ka dhigan tahay in xildhibaanada hadda jooga ay soo doora doonaan madaxweynaha bedelaya Xasan Sheekh.

Lama oga qorshaha Villa Somalia uga aadan arrintaan soo shaac baxday, waxaana socda olole xoog leh oo xildhibaanada qaar ay ugu jiraan in mooshinkaan uu meel maro si kulamada baarlamaanka loo hor geeyo.