Xabad joojinta Somaliland fursad ma u noqon doonta xalka xiisadda Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay xabad-joojinta ay kal hore ku dhawaaqday, taasi oo aan illaa hadda dhaqan-gelin, ayada oo dagaalka uu galay maalintii 9-aad.

Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Mudane Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in xabad-joojinta Somaliland ay xal u horseedi doonto xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in ka xukuumadd ahaan ay rejo ka qabaan in xabad-joojinta ay dhawaan ku dhawaaqday ay suurta-galin doonto in colaada Laascaanood lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

“Dowladda Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, waxaan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wada-hadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf-kooda xasarad la’aan, waana dhaqan-kayaga,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland ay markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato, islamarkaana xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood ay ku dambeyn doonto wada-hadal iyo in wixii khilaaf ah jira la dhameyn doono, sida uu sheegay.

“Umadina kama badbaadi karto dhibaatooyinka adduunka, waana qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland waa dad adkaysi leh oo ka gudbi doona dhibaatooyinka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Somaliland usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo.

Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, balse xukuumadda Somaliland ayaa qabta in go’aankeedan ugu dambeyn uu xal u noqon doono xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.