Somaliland oo sheegasho cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd war kasoo saartay dagaalka Laascaanood oo galay maalintii toddobaad oo xiriir ah, xili uu maamulka Muuse Biixi ku dhawaaqay xabad-joojin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xabad-jojintii ay jabiyeen kooxo ay sheegtay in ay kusoo qaadeen duulaan, kuwaasi oo saaka waaberigii dagaal kusoo qaaday ciidamada ku sugan xeryahooda, sida lagu yiri qoraalka.

“Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday kuna cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday ciidamada ku sugan xeryahooda.”

Somaliland ayaa sheegtay in saaka kooxahaasi ay soo weerareen xafiiska badhasaabka gobolka Sool iyo fadhiisimada ciidanka Somliland ee magaalada Laascaanood, kadibna ay ciidamadeedu kaga jawaabeen is-difaacid.

“Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa. Ciidanka waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad-joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxa lagu xusay qoraalka in xukuumadd ahaan ay cadaynayaan in shacabka Laascaanood ay lamid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, hase yeeshe ay xiisada kusoo dhex dhuumanayaan kooxo argagixiso ah.

“Waxaa jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka Laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa ay la socod-siisay bulshada reer Somaliland, beesha caalamka iyo guud ahaan Soomaalida in weli xabad-joojintii bilaa shuruuda aheyd ay dhankeeda dhaqan-gal ka tahay.