Dagaalka LAASCAANOOD ka socda oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in uu xoogeystay, wuxuuna saaka uu dib uga billowday magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaas oo galay maalintii todobaad.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen ciidamada deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka barbar socda madaafiic, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta dib yga qarxay Laascaanood, mana jiro faahfaahin rasmi ah oo ay ka bixiyeen labada dhinac.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna horay uga hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey Laascaanood.

Mareykanka ayaa dhankiisa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.