Sawirro: Shabaab oo saldhig muhiim ah laga qabsaday

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maamnta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbaland, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha ciidanka huwanta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Qunbi, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dagaal ku qaadeen deegaankaasi, kadibna ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in saldhigga la beesaday uu muhiim u ahaa kooxda, isla-markaana ay isku uruursanayeen dagaalyahano tiro badan.

Waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in saldhiggan uu muhiim u ahaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“Ciidanka ayaa dagaal kula wareegay Saldhiggaan muhiimka u ahaa Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa deegaanno ka tirsan gobolkaas,” ayaaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale ciidamadan oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa hub badan iyo saanad ciidan kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgalka ka dhacay deegaanka Qunbi.

Dhinaca kale taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku sugan aaggaasi ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada huwanta, waxayna ku dhiiri-geliyeen inay isku diyaariyaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha kulanka ka qayb-gashay ayaa mas’uuliyiinta ku sugan halkaas uga warbixiyay deegaanka muhiimka ah ee ay la wareegen ciidanku.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus ku billwoday is-miidaamin ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afmadow, kaas oo ay saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in laga hortagay, kadibna laga hortegay weerarkaas.