Xog: Sababta Somaliland ku qasabtay inay ku dhawaaqdo xabad joojintii Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa habeenkii Jimcaha ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin oo xiriir ah, taasi oo isla subaxii Sabtidii burburtay, dagaalkuna dib u billowday.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa waxaa soo dadajiyay cadaadiska beesha caalamka iyo khasaaraha xoogan ee ka dhashay dagaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Beesha Caalamka ayaa si weyn ugu cadaadisay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi hadalkii dhawaan kasoo yeeray duqa magaalada Laascaanood, oo ah masuulkii ugu sareeyay ee maamulka ee magaaladaasi.

Duqa Laascaanood ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay duqeynayaan goobaha shacabka, taasi oo keentay in xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka uu soo saaro bayaan luuqad adag ku qoran oo looga soo horjeedo duqeymahaasi.

“Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Marka laga hadlayo nidaamka ay u shaqeyso diblumaasiyadda adduunka iyo macaamilka dowliga ah, majiro miisaan ka culus hadalka masuul dadweynaha soo doorteen.

Sidaas darteed, iyaga oo cuskanaya hadalka duqa ayay beesha caalamka ku cadaadisay Somaliland in ay joojiso dagaalka, taasi oo ugu dambeyn xukuumadda Muuse Biixi habeen hore ku qasabtay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, oo sidoo kale bilaa shuruud ah.

Dhawaaqyadii sida iska daba-joog ah uga soo baxayay garaadada ku sugan Laascaanood ayaa sidoo kale qeyb ka ah arrimaha Somaliland ku qasbay in ay qaadato mowqif ay ku muujineyso inay diyaar u tahay helista jawi nabdoon.

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland weli waxba kama tarin dagaalka Laascaanood oo shalay ayay markale isku fara saareen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee kasoo horjeedo gooni isu-taagga Somaliland.

Dhinaca kale, Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo shalay shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa xabad joojin dhaqan-gasha ku xiray in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso, ayaga oo markale ku eedeeyay in maamulka Muuse Biixi uu sii wado duqeynta magaalada.

Si kastaba, Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen, waxaana weli sii kordhaya cadaadiska dhinacyada lagu saarayo in ay joojiyaan dagaalka.