Daawo: Booliska MUQDISHO oo soo qabtay burcad dhac gaysatay oo laga arkay CCTV

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay burcad ku hubeysan oo dhac ka geysatay goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Weydo ee duleedka magaalada Muqdisho iyo degmada Dharkenley.

Burcadan oo ka koobnaa laba askari oo ku lebisan dareyska ciidanka ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, kadibna lagu baahiyay baraha bulshada, taasi oo sahashay in ciidamada gacanta kusoo dhigaan.

Goobaha ay dhaca ka geysteen labadan nin ayaa waxaa kamid ah Farmashiye iyo Dukaamo ay ka qaateen agab kala duwan iyo lacag, kuwaas oo markii dambe u gacan galeen ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska ayaa labadan nin kusoo qabtay raad-raac ay ka sameeyeen kaamirada, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir

“Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo kamid ah burcad hubaysan oo qori AK47 ah ku dhacayay goobo ganacsi oo ku yaalla degaanka Weydoow ilaa aagga degmada Dharkenley, kuwaas oo muuqaalo laga helay lagu baahiyay Baraha Bulshada, iyagoo gudaha u galaya goobo ganacsi oo ay kamid tahay goob Pharmacy ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

“Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska degmada Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcadda ah, waxaana lagu soo xiray saldhigga Degmada Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulshada.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geysteen waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lanbarka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan.”

Ciidamada Booliiska Soomaaliyed ayaa muddooyinkii dambe waday howl-gallo lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ee bulshada dhaca, kuwaas oo tiro kamid ah la soo qabtay.

Hoos ka daawo muuqaalka