Al-Shabaab oo fursad ay DF ka heshay duulaan ugu qaaday saddex maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmahan qaboojisay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad ee dagaalka tooska ah uu hakad galo muddo dhowr asbuuc ah. Kooxda oo magaalooyin badan laga saaray, dad badan laga laayay, duqeyn ku socotay oo dhaawacyadii daawo u la’ ayay dowladdu ka hartay.

Waa markii labaad oo iyagoo isla xaaladan oo kale ku jira laga haro, taas oo Al-Shabaab siisay fursad ay markale dib isugu soo abaabulaan, madaxdooda dhulka halista ah kaga saari karaan, dhaawacyada ku daaweysan karaan, haddii ay usuurta-gashana ay lacag iyo hub ku raadsan karaan.

Qubarada amniga qaar ayaa si weyn u dhaliilsan dabaca kooxda loo sameynayo marwalba oo xaalkooda adag yahay.

Al-Shabaab waxay shalay weerar ku qaadeen degmada Afmadow oo ay qaraxyo ka fuliyeen, waxay weerareen Ceel-Bacad oo gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan iyo Sabiid oo gobolka Shabeellaha Hoose ka tirsan.

In kooxdu awoodo in saddex goobood oo saddex maamul goboleed ah ay qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyaan waxay cadeyn u tahay inay ka faa’iideysteen fursadii ay bixisay dowladda federaalka.

Dhamaan weeraradaasi lala beegsaday ciidanka waxay dhaliyeen khasaare.

Haddaba, waxaan dul istaageyn maxaa keenaya in laga haro marwalba oo Al-Shabaab ay ku dhow yihiin in si fiican loo jabiyo.

1. Dowladdu toos uma sheegin waxa sababay hakadka dagaalka: Marwalba oo uu dagaalku hakad galo waxaa bata weerarada ay soo qaadeyso Al-Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay ku jirto dib u abaabul ciidan, laakiin xeel-dheerayaasha amnigu waxay walaac ka muujinayaan fursada ay bixineyso dowladda federaalka.

2. Dagaal wada-jir ah: Xogo kale oo aan ka helnay illo dowlada federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegaya in hakadkaan ay sabab u tahay diyaarinta dagaal wada-jir ah oo dowladdu ay rabto in halmar lagu qaado kooxda oo dhowr furin uu ka billowdo, balse laba mar oo dagaalka uu istaagay labada jeerba Al-Shabaab waxay geysatay dhibaatooyin waaweyn.

3. Dhulka la qabtay: Al-Shabaab waxaa laga saaray deegaano muhiim ah, dadka qaar waxay ku doodayaan in sababta dowladdu u hakatay ay tahay in marka hore si fiican loo hubiyo amniga iyo gacan ku haynta deegaanada la qabtay, sidoo kalena loo sameeyo maamul iyo qorshe aanay kooxdu dib ugu soo laaban karin deegaanadaasi, taas oo iyaduna u muuqata dood macquul ah.

Si walba, fursadaha ay Al-Shabaab hesho marwalba oo dagaalka xooga hakad galo waxay uga faa’iideystaan dib isku abaabul, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, dhaawacyada iyo qorashada dagaalamayaal cusub.

Waxaa loogu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aanay markale bixin fursad noocaan ah, si looga badbaado dhibaatadooda rogaal celinta ayna u sahlanaanto in kooxda lasoo afjaro.