Wararkii u dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay

Ankara (Caasimada Online) – Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay dalalka Turkey iyo Syria ayaa haatan kor u dhaaftay 33 kun oo qof.

Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka, halka kooxaha caafimaadka ay la xarbinayaan inay daweeyaan kumanaan qof oo dhaawac ah.

Shan qof oo Soomaali ah ayaa kamid ah dadka ku dhintay dhul-gariirka, kuwaasi oo shalay meydadkooda la aasay, sida ay ku warantay VOA.

Sidoo kale afar hablood oo Soomaali ah ayaa kamid ah dadka wali la la’yahay, kuwaasi oo lagu weysan yahay nolol iyo geeri. Dadka maqan ayaa ku hoos jira bur-burka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul-gariir hor leh.

Cawaale Axmed Darfac oo kamid ah ardayda Soomaalida Turkiga oo haatan ku sugan magaalada Ankara ayaa VOA u sheegay in weli aad u cakiran tahay xaalada guud ee dalkaasi.

“Shalay waxaan aasnay shan wiil oo Soomaaliyeed oo ku aasnay magaalada Ankara. Ardaydii gobolkaas joogtay waxaa aad ula tacaashay safaarada dalka Jabuuti iyo ganacsatada Soomaalida ee dalkan Turkiga oo kasoo samatabixisay halkii ay joogeen waxaana loo soo raray magaalooyinka amaanka ah,” ayuu yiri.

“Wax sawir laga bixin karo aad ayay uga weyn tahay, masiibada dhacday wax aan arkay ma aha. Masiibada aad iyo aad ayay u weyn tahay oo magaalooyin dhan ayaa baaba’ay, burbur aad iyo aad u weyn oo dhibaato weyn ayaa ka muuqata.”

Mucaaridka Turkiga ayaa Erdogan iyo xukumadiisa ku eedeeyay in ay qarinayaan tirada dhabta ah ee khasaaraha ka dashay dhul-gariirka, islamarkaana ku doodaya in dadka ku dhintay dhacdadaan ay aad uga badan yihiin tirada la shaaciyay.

Si kastaba, Saameynta dhul-gariirkan ayaa aheyd mid aad u baaxad weyn oo dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid caalamka oo idil, ayada oo tobaneeyo dal, kasoo billow Ukraine illaa New Zealand ay wacad ku mareen inay caawimaad ka gaystaan.