Somaliland oo sheegtay in Puntland ay jihooyin cusub ka billaabeyso dagaalka socda

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dowlad-goboleedka Puntland ku eedeeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii toddobaad.

Somaliland ayaa waxay sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xiligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Shalay unbay aheyd markii ay xukuumadda Somaliland digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq.

Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, wuxuuna saaka uu dib uga billowday magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay maalintii todobaad.