Al-Shabaab badan oo lagu dilay weerar ka dhacay Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in weerarkan uu yimid kadib codsi uga yimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid is-difaac ah oo ay si wada-jir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka ee wada howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo.

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa horaantii bishaan ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo xiligaas codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.