Jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey R/W Xamza Cabdi Barre oo la shaaciyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo, seddax maalmood kadib.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan baarlamaanka ayaa soo saaray jadwalka qabashada kursigii uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre oo tirsigiisu yahay HOP#203.

Doorashada kursigaas ayaa Kismaayo ka dhici doonta 15-ka bishaan oo maalmo kooban ay naga xigaan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada kuraastii ka soo laabatay baarlamaanka federaalka.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri, “Guddiga KMG ah ee doorashada kuraastii ka soo laabatay baarlamaanka 11-aad, isagoo gudanaya waajibaadka loo igmaday, wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga HOP203, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo.”

Warqadaan oo ogeysiis ka heysata Ra’iisul Wasaare Xamza Barre oo kursigaas horay ugu fadhiyey ayaa lagu socodsiiyey beesha iska leh metelaadka kursigaas oo Kismaayo degta, iyadoo warqadda lagu cadeeyey maalmaha ay socaneyso soo xulidda ergada kursiga dooraneysa.

28-kii bishii December sanadkii 2021-kii ayaa kursigaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Xamza ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo awood badan ku dhex lahaa doorashadii xildhibaanada ee Kismaayo ka dhacday.

Maadaama uu hadda Xamza yahay Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu baneeyey kursigaas oo dastuurku uma ogolaanayo in R/Wasaare uu noqdo xubin baarlamaan, taas oo khasab ka dhigeysa in qof kale loo doorto kursigaas.

Kursiga uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre wuxuu noqonayaa kursiga labaad ee dib loo soo doorto, waxaana ka horeeyay kii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo bilowgii bishaan Febraayo lagu doortay Dhuusamareeb, waxaana ku soo baxay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Hoos ka eeg jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey R/W Xamza Cabdi Barre