Xog: Biixi oo go’aan kama dambeysa ka qaatay loolanka adag ee Saylici iyo Saajin

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mowqif cad ka qaatay loolanka adag ee u dhaxeeya madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka ganacsiga, Maxamuud Xasan Saajin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Biixi ayaa kulan ay saxaafadu dibad joog ka aheyd oo uu shalay la qaatay ergo ka socotaya waxgaradka beesha Saylici, ay ugu gudbiyeen cabasho la xiriirta guuxa iyo sawaxanka xoogan ee ka dhashay tartanka loo galayo kursiga Guddoomiye kuxigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi ayaa ergadii beesha Saylici u sheegay inuusan marnaba soo fara-galin doonin loolanka adag ee u dhaxeeya Saajin iyo Saylici, isla markaana ay tahay inay odayeeyaan Salaadiinta iyo waxgaradka labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan, maadama uu ku doodayo inay tahay mid iyaga dhex taala, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno goob-joog ka ahaa shirkaasi.

Saylici iyo Saajin ayaa loolan adag oo buuq badan dhaliyay ugu jira tartanka kursiga Guddoomiyaha kuxigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu bilowga bishan soo socota uu furmo shirweynihiisu.

Mana muuqato ifafaalo muujineysa in labada Mas’uul uu midkood uu tanaasul muujiyo, maadama ay madaxda Kulmiye ay ku doodayaan in tartanka labada mas’uul uu horseedi karo tafaraaruq badan oo dhanka beelaha gobolka Awdal iyo mida golaha dhexe ee xisbiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku qaadayey weerar afka ah oo ay isku marinayeen warbaahinta, midaasi oo kor usii qaaday loolanka xoogan ee ka dhex aloosan labada mas’uul.